Wasiir dhuxulow oo shir ka qeyb galay+Sawiro

0

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Warbaahinta oo ka dhacay Abu Dhabi, kaas oo ay isagu yimaadeen khubarada Warbaahinta caalamka oo looga arinsanayey sidii loo diyaarin lahaa curin cusub oo ku wajahan la dagaallanka argagaxisada. waxaana mar uu ka hadlayey shirka uu yiri “Waa inaan dhalinyarada si buuxda u taageernaa si ay uga qeybgalaan siyaasadda iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ayaa intii uu joogey caasimadda Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta Danjire Faris Al-Mazoui. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wasiir Mustafa ayaa mahadcelin gaar ah u jeediyey dowladda Imaaradka ee ku aadan sida ay taageero buuxda ula garabtaagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsatay horumar ballaaran oo u baahan in si gaar ah loo sii taageero, si loo xasiliyo dalka.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlayey shirka ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay muhiimadda gaarka ah ee la siiyey warbaahinta marka ay timaado in lala dagaalo xagjirnimada iyo argagaxisada. Warbaahinta waa muhiim waxeyna u baahan tahay in caalamku uu taageero warbaahinta Soomaaliya, oo horumar ballaaran ku tallaabsatay. Sababta aan Soomaaliya warbaainta aan xoooga u saareyno ayaa ah inaan ku guuleysano hanashada iyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah Soomaaliya. Waayo, marka ay shacabka aaminaan in dowladda ay wax u qabaneyso ayaan oran karnaa waan hanan karnaa kalsoonida shacabka.”

Wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa yiri “Dal kaligiis lama dagaali karo fikirka xagjirnimada iyo argagaxisda, sabatuna waxey tahay in fikirku uusan laheyn xaduud. Soomaaliya waxaan xiriir wanaagsan la leenahay waddamada caalamka oo ay dani ugu jirto in Soomaaliya ay degto oo ay noqoto waddan dimoqraadiyadda ka hirgashay. Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa wax badan ka qabatay horumarka warbaahinta Soomaaliya oo waxaan xoojinay xiriirka iyo isfahamka hay’adaha dowladda dhexdooda, waxaan mudnaanta siinaa guulaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo maalin walba guulo isdaba joog ah ka gaaraya la dagaalanka kooxaha argaxisada ah. Waxaan usbuuc walba soo saarnaa waxqabadka Dowladda oo ka hadlaya horumarka waxbarashada, caafimaadka, dhaqangelinta federaalka, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo horumarka dhanka amniga. Waxaana mararka qaarkood ka hadalnaa horumarka dhanka bulshada.”

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Waan fahamsanahay ahmiyadda iyo muhiimadda dhalinyarada iyo sida loogu baahan yahay in wax loola qabto. Waa inaan shaqo u abuurnaa dhalinyarada, waana inaan xirfado shaqo barnaa iyo waxbarasho tayo leh. Waana inaan ku dhiiri gelinaa sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen siyaasadda iyo dimoqraadiyeynta Dalka. Sidoo kale waxaan horumarinaa tayada warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxaana dhiiri gelinaa bulshada rayidka iyo doorkooda ku aadan horumarinta dhalinyarada.”

unnamed3unnamed-13unnamed-22unnamed-32

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com