Talo iyo codsi ku socda XASAN SHEEKH oo ku aadan Ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabayo

0

Waxaa looga fadhiyaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh in uu soo magacaabo Ra’isulwasaare cusub, ka dib markii kalsoonidii lagala laabtay Ra’isulwasaarhii hore Cabbdiwali Sheekh Axmed. Ra’isulwasaare Cabdiwali, ayaa xilkiisa ku waayey muran dhexmaray Isaga iyo Madaxweynihiisa, taas oo ugu danbeyn keentay in ay kalsoonida kala laabtaan Baarlamaanka 
 
Xasan Sheekh, ayaa soo magacabaayo Ra’isulwasaarihii Sedexaad tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka,taas oo ah runtii ah wax aad looga xumaado, maxaa yeelay wax ka yar labo sano in la soo dhiso Sedex Xukuumadood waxa ay ku tuseysaa in meesha cayaar lagu hayo oo aan aad looga fikireynin dhibaatooyinka haysta Malaayiinta Soomaalida ah ee ku dhibaateysan dunida dacaladeeda.
 
Xasan Sheekha, ayaad mooddaa in uu dhagaha ka fureystay talooyin badan oo la siiyey oo ku aadan cidda uu u magacaabayo Ra’isulwasaare maadaama uu dalku ku jiro waqti adag oo u baahan rag nin sida Farmaajo oo kale, tusaale ahaan Siyaasiyiin badan ayaa u soo jeedisay Xasan Sheekh in uu Ra’isulwasaare u magacaabo Farmaajo, Iyagoo markaasi u arkaayey in uu yahay Shaqsiga ku haboon jagadan.
 
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaad moodda in ay haysato khibrad yari iyo jileec xagga hogaaminta ah, Islamarkaana aanu haysan lataliyaal wanaagsan oo u soo gudbiya dareen Shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Waxgaradka ah, sida Culimada,Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta tusaale ahaan intii uu Madaxweynuhu Xafiiska fadhiyey waxaa ku socday talooyin badan oo aan u malaynayo in intooda badan aan dheg iyo jalaq loo siinin.
 
Maaadaama uu dalku ku jiro waqti adag, islamarkaana ay jirto faragelin qaawan oo ka imaaneyso dalalka dariska ah, Waxa ay ahayd in uu Madaxweynuhu soo magacaabo Ra’isulwasaare Karti leh,Sidoo kalena ay Soomaalinimadu kala weyn tahay reereysiga. hadaan si kale u iraahdo shaqsi ay ku weyn tahay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah,islamarkaana madax banaan laakiin waxaad moodda In Madaxweynaha iyo Kooxdiisuba ay raadinayaan Shaqsi jilicsan oo ay ku  shaqeystaan siduu Aamin Camirba tilaamay.
 
Madaxweyne Xasan sheikh, ayaad moodaa in uu ka hooseeyo sidii la filaayey, tusaale ahaan dad badan ayaa aaminsanaa  in ay wax badan is badali doonaan mar haddiii la doortay hogaamiyo mutacalim ah, islamarkaana ka soo jeeda Bulshada Rayidka ah laakiin nasiib-daro ma dhicin sidii la filaayey.
 
Anigu, Waxa aan filaayey in ay Hogaamiyaasha Soomaalidu garwaaqsadeen dhegeysiga iyo qaadashada talooyinka ka imaanayo dadkooga, gaar ahaan dadka Waxgaradka ah laakiin wali waxaad mooddaa in ay ku sodaan wadooyinkii hore ee ahayd in la tixgeliyo shisheeyaha iyo kuwa u adeega ee Soomaalida ah sida hadaba socoto. Hadda waxaa socoto in la fuliyo talooyinka Gabre iyo kuwii soo dirsaday.Ciil badanaa
 
Hadaba Ra’isulwasaare caynkee ah baa loo baahan yahay waqti xaadirkan ?
 
Anigu, waxa ay ila tahay in markan loo baahan yahay Ra’isulwasaare ay ku jirto dareen Umadeed, islamarkaana garan kara xaaladda uu dalku jiro haday ahaan ahaan lahayd xagga siyaasadda,amniga,dhaqaalaha iyo waliba  dib-uheshiisiinta.Ra’isulwasaarahaas waa in uu noqdaa Shaqsi karti leh, islamarkaana ka koray reereysiga iyo isjiidjiidka u dhaxeeya Beelaha. Shaqsigaas waa in uu yahay shaqsi awood u leh  ka hortagga ay cadeysteen dowladaha dariska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya. Waa in uu yahay Shaqsi oron kara Mayya
 
Hadaba waa kumaa Shaqsiga qaban kara Jagadan, Islamarkaana Madaxweynaha ka caawin kara sidii loo badbaadin lahaa dalkan qarka u saran in ay kala qeybsadaas cadowgiisa ? 
 
Anigu, markaan meel badan wax ka eegay gaar ahaan xaaladda adag ee uu dalku ku jiro, Waxaan  arkay in uu Jagadan ku haboon yahay Ex Ra’isulwasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo Anigoo sababeyn doona, tusaale ahaan Farmaajo waa nin horay u soo qabtay Jagadan Islamarkaana muujiyey intii yareyd ee uu meesha joogay howlkarnimo,go’aan adeyg iyo geesinimo waa haddii runta la sheegayo.
 
farmaajo, waxa uu mudnaanta koobaad siiyey intii uu Ra’isulwasaaruhu ahaa dib u dhiska ciidanka Qaranka, Isagoo u arkaayey In uu ciidanku yahay astaanta koobaad ee uu qaran leeyahay,Waxa uu Geesigan muujiyey in uusan la dhacsaneyn waxa loo yeero  4.5, taas oo runtii ahayd talaabo geesinimo leh.Waxa uu sidoo kale hogaamiyan muujiyey in aanu ahayn kabo qaade sida raga qaar.
 
Farmaajo, waa nin taageero ka haystay Malaayiin Soomaali ah, taasna waxaa marag madoonto u ah sidii Shacabweynaha Soomaaliyeed ay ugu mudaaharaadeen, Iyagoo doonayey in uu sii ahaado Ra’isulwasaarahooda balse ay isu kaashadeen cadow oo dhan. Farmaajo waa hogaamiye maareyn kara xaaladdan adag ee lagu jiro, islmarkaana lagu haleyn karo midnimada iyo madax banaanida dalka. Allow yaa Shacab wax doorta yiraahdo 
 
Maadaama uu Xasan Sheekh ku fashilmay hogaaminta, Islamarkaana uu muujiyey in uu yahay nin Jilicsan oo ay ku adag tahay go’aan qaadashada, ninka kaliya ee ceeb asturi kara waqti xaadirkan Anigu waxaan qabaa in uu yahay Farmaajo waa haddii la doonayo dal mid ah, islamarkaana madax banaan amma haddii la rabo mid jilicsan oo lagu shaqeysto taas waa arin kale. Soomaali,waxa ay u baahan tahay Ra’isulwasaare adag oo soo jiidan kara dareenka Umadda, islamarkaana ka miradhalin kara dib-uheshiisiin rasmi gaar ahaan marka ay timaaddo la hadalka Xarakada Al-shabab
 
Gaba gabadii, waxaa kula talinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu taladeena qaato haddaanahay Shacabka Soomaaliyeed ee uu Jagadan u magacaabo Geesigan howlkarka ah waa farmaaje si dalka loo badbaadiyo, islamarkaana loo soo celiyo Sharafteenii luntay. Waan ku celinayaa markale fadlan Madaxweyne noo maagacoow farmaajo aan kuu duceyne.
 
Midda kale, waxaan kaaga digayaa Madaxweyne inaadan jagadan u magacaabin Shaqsi ay Itoobiya wadato ama Kenya waayo taasi waxa ay dhaawaceysa rajadii laga qabay qaran Soomaaliyeed oo madax banaan, tusaale ahaan waxa ay Itoobiya mar horeba gacanta ku dhigtay Shaqsiyaadka horbooda Maamulada dalka ka jira sida Somaliland,Puntland,Jabaland,Koonfur Galbeed iyo waliba Kooxda Suufiyada oo noqotay gacanta midig ee Itoobiya. 
 
Waxaan kaloo kaaga digayaa inaad magacowdo shaqsi ku caanbaxay ,dabadhilifnimo, qabyaalad iyo iibsasho hanti Soomaaliyeed ogowna Mustaqbalkaaga siyaasadeed waxa uu ku xirnaan doontaa hadba ninka aad keento.haddii uu nin fiican naqdona waa lagugu amaani doonaa haddii kalena ceebaa kaa raaci doonta. 
 
The statements, views and opinions expressed in this column are solely those of the author and do not necessarily represent those of AGGM.
 
W/Q:Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com


 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com