NUSOJ oo soo dhaweysay soo qabashada Xasan Xanafi

0

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyey soo bandhigida Xasan Xanafi oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhimaca warfaafinta oo maanta magaalada Muqdisho ay kusoo bandhigtay Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee dowlada Soomaaliya.

Xoghayaha NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in si weyn ay usoo dhaweynayaan qabashada Xasan Xanafi oo kadambeeyey buu yiri dilka iyo shirqoolka suxufiyiin badan oo Soomaaliyeed.

“Wan ku faraxsanahay in lasoo bandhigo Xanafi waxaana ku talineynaa in la ciqaabo maadaama dambi badan uu suxufiyiinta ka galay” ayuu yiri Bakistaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com