Mustaf Dhuxuloow oo la sheegay inuu madaxweyne XASAN ka fasax qaatay

0

Xeer Illaaliyaha Guud ee qaranka Mudane Axmed Daahir  oo Wareysi Siiyay Idaacadda Goobjoog oo ka mid ah Idaacadaha ugu weyn ee Muqdisho ayaa sheegey in wasiirka warfaafinta Mustaf Dhuxuloow uu ka fasax qaatay madaxweynaha, islamarkaasina uu aadey safar shaqo.

Waxa uu ka jawaabayay su’aal ahayd in amarkiisii ahaa in xubnaha golaha wasiiradda aysan dibada u safri karin iyaga oo aanan xil wareejin sameynin, kaasi oo warbaahinta qaarkeed ay tabisey in Mustaf Dhuxuloow uu amarkaasi jabiyey.

Xeer Illaaliyaha ayaa sheegey in warqadii uu madaxweynaha ka qaatay uu Mustaf ku wareejiyey laanta socdaalka ee Garoonka Aadan Cadde, islamarkaasina ay wax caadi iska tahay in wasiirada hawlaha shaqadooda u safri karaan haddii ay fasax ka heystaan madaxweynaha, islamarkaasina la ogyahay shaqada ay aadayaan.

Mar uu ka hadlayay eedeymo ahaa in go’aankiisa uu yahay mid siyaasadeysan ayuu sheegey in 14 wasiir oo ka mid ah golaha wasiiradda ay warqad u qoreen Ra’isulwasaaraha, kagana codsadeen in uu is casilo, taasi oo ka dhigan in wasiirada kala qeybsanaayeen, balse go’aankiisa uu ahaa mid wada saameynaya golaha wasiiradda, sidaasi darteed aanan go’aankiisa loogu tiirin karin in uu yahay mid loola dan lahaa dhinac gaar ah.

Waxa uu sheegey in go’aankiisa uu ahaa mid ka hortag ah, xafiiskiisa uu sharci u leeyahay in uu hawshaasi qabto, wuxuu intaasi ku daray in sharciga uu qabo in qof kasta oo muwaadhin ah uu yahay dambi la’aan illaa inta ay maxkamadani ka xukumeyso, isagana uusan marnaba dambi ku eedeyn karin qof muwaadhin, kaliyana hawsha uu qabtay ay tahay ka hortag iyada oo laga faa’iideysanayo waayo aragnimo hore oo ahayd in dad xilal wasiirnimo soo qabtay ay maanta guryahooda ku heystaan illaa 5 baabuur oo dowladdu lahayd, halka wasiiradda hada shaqeeya qaarkoodna ay gaari la’aan lugeynayaan.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sababta keentey in uu isaga go’aankani ku dhaqaaqo iyada oo la ogyahay in Xeer Illaaliyihii ka horeeyey uusan go’aankan oo kale qaadanin ayuu yiri “Haddii xafiiskii iga horeeyey uu shaqadiisa gudan waayay, la’iguma eedeyn karo adiga maxaad shaqadaada u qabsatay”. Wuxuu intaasi ku darey in waxa dhan ee uu isagu doonayo ay yihiin sareynta sharciga, soo celinta kala dambeynta iyo dhawrista hantida qaranka iyo tan dadweynaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com