Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo digniin ka soo saartay shaqsiyaad dacaayad fidinaya

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin dadka isku dayay in maxkamadda dacaayad been abuur ah ay ka fidiyaan,  sharcigana  lala tiigsan doona  shaqsiyaadka nuucaasi oo kale ah.

Kaddib markii dhawaan ay soo baxday Dacaayad laga faafiyay Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaliya oo ahayd in maxkamada ay badashay ruuxii dilka u geeystay Marxuum Filim-qaade Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin,  isla markaana ay 4 tii bishaan toogasho ku fulisay ruux aan ahayn kii dilka geestay, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidanka qalabka Sida iyo Aabaha dhalay Filimqaade Sakariye Maxamad Maxamuud Macalin.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ee Soomaliya Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xuseen Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu faah Faahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray dacwadii Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay ka soo gudbisay.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com