Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo War Farxad Leh Helay

0

Madaxweynaya Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay Jimcihii (5-tii December) in uu “aad u farxay” sidoo kalena “aad u nafisay” kadib markii xeer-ilaalinta Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay ka hartay dacaddi ka dhanka ahayd ee loogu haystay dambiyada ka dhanka ah aadaminimada.

“Waxan si joogto ah ugu caddayn jiray dadka Kenya iyo guud ahaan caalamkaba in aan beri ahay,”ayuu Kenyatta ku yiri hadal uu soo saaray. “Haddeer ruuxeedana waan ku celinayaa: ummuuraha ku xusuan dacwooyinka Kenya ka yaal ICC-da, damiirkeeyga bataatanba waa ka nadiif.”

Kenyatta, oo markii hore farriin soo dhigay Twitterka uu ku calaamadiyay “vindicated” (waa la i bari-yeelay”, ayaa sheegay in dacwaddani ay si xun u dhaawacday sumcadda ICC.

Waxa uu ku eedeeyay madaxa xeer-ilaalinta ICC Fatou Bensouda in ay dooratay “in ay si kutala-gal ah ugu riixaysay dacwooyinka qaab xaglin qaawan ah taas oo u adeegaysay maslaxad khaas ah”.

“Dhibanayaashii dacwaddan ralli kama noqon doonaan ICC, sababta oo ah go’aanka ay xeer-ilaalintu ku gaartay in ay qaddiyadda caddaalladda uga tanaasusho masaalix siyaasadeed,” ayuu yiri.

Kenyatta ayaa sidoo kale ku dhaartay in uu sii wadi doono dagaalka illaa iyo labada dacwo ee haray ee loo haysto madaxweyne Ku-xigeen William Ruto iyo idaacigii hore Joshua Arap Sang iyagana la isaga harayo.

“Sideeydoo kale, ayay ku adkaysteen in ay caddeeyaan barinimadooda,” ayuu yiri. “Waxan kalsoonanahay in la beri-yeeli doono wakhtiga munaasibka ah. Waan garab taaganahay, waanan taageeri doonaa waanan u duceeyn doonaa illaa iyo laga gaarayo xilligaas.”

Kenyatta, oo 53-jir ah ayaa loo haystay shan dacwo ay ku jiraan dil, kufsi iyo tarxiil uu ku muttaystay sida lagu eedaynayo in uu ka dambeeyay colaadihii daba socday doorashooyinkii 2007-2008, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 ayna ku baracakeen 600,000.

Ruto, oo isaguna maxkamadi ku socotay tan iyo September 2013-kii, ayaa u hamblayeeyay Kenyatta. “Daacadnimadii ayaa soo daahirtay oo ku xoraysay,” ayuu yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com