Hanti dhowrka Qaranka “Waxaa jiro Wasiiro hore oo gaadiid qaranka leeyahay si gaar ah u isticmaalo”

0

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo maanta Shirjaraai’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadihii dalka soo maray ay si gaar ah u haystaan hanta qaran oo umadda ka dhaxeysa.

Dr Nuur Faarax ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad Wasiiro soo noqday oo haysta gaadiid qaranka leeyahay oo si qaas ah ay u isticmaalaan, wuxuuna uga digay dadkaasi in inta aan lasoo qaban oo gacanta lagu soo dhigin ay soo wareejiyaan gaadiidkaasi.

“Baabuur waxaa jirta dowladaan tii ka horeysay midi kasii horeysay tii kasii horeysay baabuur la bixiyay oo si qaas ah loo isticmaalo oo Wasiiradii hore qaarkood u kireysan tahay waan ognahay waan ku daba jirnaa intii lagu soo qaban lahaa oo lagaa daba tagi lahaa soo celi xaq uma lihid in suuqa lagaa qabsado oo lagu dhaho maalin hebel waxaas ayaa lagu soo celiyay inta aysan kugu dhicin soo celi”Ayuu yiri Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sidoo kale ka digay iibinta dhul uu sheegay in Bankiga dhexe uu ku howlan yahay inuu iibiyo dhulkaasi oo Bankiga dhexe iyo Bankiga horumarinta leeyahay, wuxuuna shegay in ilaa Baarlamaanka dalka uu ansixiyo sharciga iibinta qaranka aan la iibin Karin dhulkaasi.

Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka iyo Xafiiska Hanti dhowrka Dowladda ayaa dhawaan war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Wasiirada Xukuumadii dhacday aysan dalka ka bixi Karin, iyagoo aan sameynin xil wareejin, marka laga reebo inay haystaan fasax Madaxweyne oo ay dalka uga bixi karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com