Halkee ku dambeeyey wadihii diyaaradii Kenya ee bur burtay?

0

Duuliyihii Kiinyaanka ee diyaaraddiisu ku burburtay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo Al-Shabaab ay ka taliso ayaa wali la la’ yahay, 96 saac kaddib shilka.

Saaxiibbadiis ayaa wali isku dayaya inay meel ku sheegaan asaga.

Rajo xumadooda waxaa kordhiyay wararka sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gaareen goobta ay diyaaradda ku dhacday, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku dhigaan duuliyaha billadaha badan haysta, oo duqaymo dhowr ah horey uga fuliyay Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa burburtay galabtii Khamiista. In kastoo ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaliya ay garanayaan goobta guud ee shilku ka dhacay, ayaa haddana wali la la’ yahay duuliya, oo la rumeysan yahay inuu ka booday diiyaaradda kaddib markii uu sameeyay wicitaanno quus ah.

Lama garanayo in Major Jonathan Kingu Otongo uu ka badbaaday burburka.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay diyaaraddu dhacday kaddib markii ay soo wajaheen cillado farsamo.

“Labo diyaarad ayaa ka soo laabtay howlgal guuleystay oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahayd buundada Araare. Sida ay sheegayaan ilaheenna ku sugan Soomaaliya, dhowr ka tirsan maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen dagaalyahanno ajnabi ah, ayaa lagu dilay, kuwa kale oo badan-na waa la dhaawacay, qalabna waa lagu burburiyay duqaymaha ay diyaaradaha geysteen,” Col Obonyo ayaa sheegay.

Wuxuu sheegay in duuliyaha uu la soo xiriiray saaxiibbadiis, wax yar kaddibna diyaaraddu waxay ku burburtay dhulka ay Al-Shabaab ka taliso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com