Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Sweden iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya
Soomaaliya iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindvall ayadoo kulankii xigayna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay
Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niklos Key waxaana uu wadajir kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii ay kusoo gebageboobeen kulammadii Baarlamaanka.

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Mikael Lindval iyo Ergeyga Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Niclos Key
waxa ay si wadajir ah u ammaaneen sida ay kusoo gebageboobeen doodihii Baarlamaanka iyo kulankii codeynta mooshinka kalsoonida uu Baarlamaanka
kala laabtay Xukuumadda Ra’isulwasaare C/weli waxaana ay dhanka kale wadajir u ballan qaadeen iney sii wadi doonaan taageerrada ay la garab
taagan yihiin Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka
taageerrada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo sidii ay u tixgeliyeen codsigiisii la xiriiray in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya loo siiyo fursad iney arrimahooda xal ka gaaraan oo aanan lagu faragelin.

DSC_3091DSC_3089DSC_3085DSC_3080DSC_3078

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com