FAAH FAAHIN:- Ciidamada amaanka oo howlgalo balaaran ka sameeyay magaalada Baydhabo

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxa ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaaladaasi.

 

Howlgalkaan oo biloowday shalay ayaa ka socda Baydhabo ilaa manta,waxaana ciidamada ay qab-qabteen dad badan oo Shabaab lala xiriirinaayo.

 

Taliyaha Qaybta Booliiska Baay Col. Mahad C/raxmaan ayaa ku waramaayo in ciidamada ammaanka Baydhabo ay gacanta ku dhigeen dad gaaraya 100 ruux kuwaasi oo hada baaritaano lagu haayo.

 

Wuxuu sheegay in ciidamada ay wadaan weli howlgalka sidoo kalena la soo qabtay gaadiid looga shakiyay amnidarada Magaalada Baydhabo sida uu taliyaha sheegay.

 

Baydhabo dhawaan waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday baabuur iyo mid isqarxin ahaa oo lagu qaaday maqaayad ay fariistaan xubnaha dowladda iyo dad shacab ahaa.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com