Dhageyso+Sawirro: Qaxootigii ugu horreeyay oo dib loogu soo celiyay degmada Dhoobley

0

Qoysaskii ugu horreeyay ee laga soo celiyo xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa shalay soo gaaray degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose.

Degmada Dhoobley waxaa la geeyay qoysas badan oo dalka Kenya muddo ku noolaa kuwaasoo qaarkood ku nool intii dalka uu ku jiray bur-burka.

Dadkani ayaa aad u tabaalaysan waxaana la soo sheegayaa inay u baahan yihiin nolal ka sarreysa tan ay iminka ku nool yihiin, sidoo kale waxaa lagu wadaa in dadkani la keeno magaalada Kismaayo iyo meelo kale.

Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa inooga warramaysida ay tahay xaaladda qoysaskani qaxootiga ku ahaa Kenya ee dib loo soo celiyay.

Halkan ka dhageyso:

Halkan ka daawo sawirada qaxootiga Soomaaliyeed:   qaxooti2 qaxooti3  qaxooti (1)qaxooti1 Xafiiska wararka Allgalgaduud  Garbahaarey, Gedo Allgadaguud@gmail.com