DHAGEYSO: Xasan Sheikh oo talo wanaagsan la siiyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la siiyay talo aadan cidda uu u xulanayo wasiirka koowaad ee xukuumada cusub ee imaan doonta, maadaama kalsoonida lagala laabtay C/welli Sheikh.

Siyaasi C/Xaashi C/salaan oo kamid ah siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay madaxweynaha Soomaaliya inuu markaan soo magacaabo ra’iisul wasaare ay isku khilaafin howlaha dowlada.

Wuxuu sheegayin dadweynaha Soomaaliyeed aysan faa’iido ugu jirin in loo keeno ra’iisul wasaare seddexaad oo ay isku dhacaan madaxweynaha Soomaaliya, laakiin loo baahan yahay inuu markaan ka fiirsado cidda uu soo magacaabayo.

Ummada Soomaaliyeed ayuu sheegay inay ka walaacsan yihiin rajada doorashada sanadka 2016 ee ka dhacda dalka Soomaaliya, maadaama labo ra’iisul wasaare ay is khilaafeen Xasan Sheikh Maxamuud.

 

 

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com