Dhageyso warbixinta:- Waa sidee ammaanka magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan Galmudug & Puntland

0

Amaanka magaalada Gaalkacayo ee xurunta gobolka Mudug ayaa soo hagaagaya ayadoo maamullada Puntland iyo Galmudug ay wadaan howl-gallo joogto ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Howl-gallada waxaa barbar socda wacyigelin ku saabsan dowrka ay bulshadu ku leedahay sugidda ammaanka oo loo sameynayo dadka magaalada sida uu ku soo waramayo Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo ka tirsan Radio Muqdisho.

Magaalada waxaa sidoo kale laga hirgaliyay leyrarka cadceedda ku shaqeeya oo waddooyinka la siray, tallaabadaas ayaa ka qeyb qaadatay xoojinta ammaanka, ayagoo ay dadku bilaabeen inay ganacsiga ku daahaan habeenkii.

Qeybta hoose ka dhagayso warbixin uu nooga diyaariyay wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo Gaalkacyo uga soo warrama Warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

 

 

 

Halkaan Hoose Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com