DEGDEG: Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh oo booqasho ugu socda gobalka Gedo(Ujeedka safarkiisa)

0

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu safar ugu socdo gobalka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyay in Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh uu booqasho ku tegi doono magaalada Garbahaarey oo xarun u ah gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu booqasho ku gaarayaa mar aan fogeyn magaao madaxda gobalka Gedo ee Garbahaarey, oo loo malaynayo in Taladada ama Arbacada ay dhacdo” ayuu yiri howlwadeen ka tirsan xafiiska xukuumadda oo la hadlay warbaahinta Allgalgaduud.

Warar hoose ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha arrimo dhowr ah uu u tegi doono gobalka Gedo sida Shirka wada-tashiga ee Midnimo wajigiisa labaad sidii uu u soo furi lahaa.

Rw cabdiweli 26-01-2014

Isha ku hay Warbaahinta Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Xafiiska magaalada Muqdisho