DEG DEG:- Wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Baledweyne loo diiday

0

Wararka ka imaanya Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku Waramaya in Mas’uuliyiin ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya loo diiday in ay Galaan Magaalada Baledweyne,kadib markii Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay sheegeen in aan lagu Wargalin imaatinka Xubnaha AMISOm iyo Maamulka Gobolka intaba

Warka ayaa intaa ku daraya in Xubnahaan ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha ay  tiro ahaan gaarayaan Shan Xubnood,waxaana ay ka dageen Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Ee Magaalada Baledweyen,iyadoona Saraakiisha AMISOM ee Garoonka ku sugan ay u diideen in Mas’uuliyiinta ay Magaalada Galaan.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha ee lagu xanibay Xubnahaasi,waxaana ay halkaasi ugu tageen Shantii Xubnood ee ka socotay Wasarada Arrimaha Gudaha,iyagoona u sheegay in hadii AMISOM ay u diiday galitaanka Magaalada aysan dhankooda Damaanad qadi karin Amaankooda.

Wafdika ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha waxaa Hogaminayo Canab Axmed Ciise oo ah Sargaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu Faah-faahin ka dhiibo wafdiga maanta loo diiday in uu gudaha u galo Magaalada Baledweyne.

Ugu danbeyn ayaa waxaa Wafdiga lagu Amray in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho oo ay saaka ka baxeen,iyadoona Wasaaradu aysan wali ka hadlin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com