Ciidamo tababar loo soo xiray

0

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababar ugu soo xiray degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ku dhawaad afar boqol oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu soo xirayay tababarka laguna qabtay Degmada Tiyeegloow ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Bakool, saraakiisha ciidamada xoogga dalka kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo  marti sharafkale, iyadoo tababarka ay dabo socotay qalabeyn loo sameeyay ciiidamada tababarka u soo idlaaday.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus milateri, oo ka turjumaya waxyaabaha ay barteen tan iyo intii ay ku guda jireen tababarka oo socday muddo afar bil ah.

Taliyaha Sector-ka saddexaad ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gebra Medhan oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamada ay gacan ku siinayaan gudashada waajibaadka loo igmaday ee ah sugidda amniga iyo ka difaacidda dalka cadowga Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo ciidamadani ka qeyb qaadanaya sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee ku soo biiriya ciidamada ka howlgallaya gobolka.

Siihayaha Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo soo xiray tababarka ayaa kula dardarmay ciidamada inay ka soo dhalaalaan howlaha dalka iyo dadka ay ka sugayaan ee ah xaqiijinta amniga, waxaana uu ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharafta ciidanka, ayna ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa karaamadooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com