91 qof oo Soomaali ah oo noqday qaxootigii ugu horeeyay oo ka tagga Xeryaha Kenya, kuna laabta dalka

0

Ugu yaraan 91 qof oo Soomaali ah, ayaa waxaa maanta laga tallaabiyay xuduuda Somaliya iyo Kenya, iyadoo dadkaan ay isku diiwaan geliyeen in si iskooda ah, ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Dadkaan oo ka kooban 18 qoys, ayaa laga soo sagootiyay Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana la soo marsiiyay deegaanka Libooya Kenya. Waxayna gelinkii dambe soo gaareen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kolka dadka laga soo tallaabiyo Libooya, ayaa waxay hal habeen ku hooyan doonaan Degmada Dhoobley, iyagoo markaasi kaga sii gudbi doona Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaxootiga Somaliyeed ee isaga soo tagaaya Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa waxaa la qoondeeyay in lagu celiyo saddex goobood oo kala ah Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq. Waxaana loo arkaa inay xasiloon yihiin.

Dadka ku noqonaayo Kismaayo waxaa laga soo tallaabin doonaa Libooya, halka dadka kale ee Baydhabo iyo Luuq lagu celinaayo, iyana lagu wado in laga tallaabiyo Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Axmed Warsame oo Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNCHR u qaabilsan Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa ku waramaaya in toddobaadkiiba ay laba jeer qaxootiga ku celinayaan dalka Somaliya, iyadoo loo amba bixinaayo Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo, hadba meeshii ay dadku codsadaan in lagu celiyo.

Axmed oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa xaqiijiyay in 3,200 oo qaxooti ah ay u diiwaan geliyeen in dalkooda lagu celiyo, maalmaha soo socdana la filaayo inay tiradoodu intaasi ka badato.

Xeryaha Qaxootiga ee Degmada Dhadhaab, ayaa waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo qaxooti Soomaali ah. Qaxootigu waxay intoodu badan dalka Kenya gaareen, ka dib dagaaladii ahliga ahaa ee dalka wiiqay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com