War degdeg ah:- Dagaal saaka ka socda duleedka magaalada Kismaayo

0

Warar degdeg ah oo iminka shabakadda Allgalgaduud Media ka soo gaadhaya waxay sheegayaan inuu ka soconayo dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka kala ah Raaskambooni iyo ALshabaab.

Dagaalka oo maalmihii dambe ka taagnaa deegaanka Buulo-gaduud ayaa lagu soo warramayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni ay dadka ku dhibayaan inay ka guuraan goobaha ay ka soconayaan dagaalada.

Alshabaab ayaa adeegsanaysa qoryo culus, waxaana dagaalada ka qarxay Buulo-gaduud la soo sheegayaa inay yihiin kuwa sawaxankooda laga maqlayo magaalada Kismaayo.

Ciidamo u eg gurmad inay yihiin ayaa ka baxaya Jaamacadda Kismaayo kadib markii horjoogayaasha ay soo dalbadeen maleeshiyaad badan si Alshabaab ay gadaal ugu riixaan.

Wixii ka soo kordha warrakayaga dambe

Isha ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Xafiiska Muqdisho