Top News: Daawo siyaasi si kulul u weeraray dowladda FS, Horjooge Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan + KISMAAYO

0

Telefishinka Al-jaziira ee Afka ka carabiga ku hadla ayaa qabtay Barnaamij gaar ah oo uu diiradda ku saarayo xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee dalka Soomaaliya.

Barnaamijka “Waaqica Carabta” xalqadiisi xalay ayaa looga dooday fashilka dhanka Siyaasadda ee Soomaaliya iyo sida dowladaha dariska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya faragelinta ugu hayaan dalka.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada xiligii Dowladii Shariif Sheekh Axmed Xasan Xeylle oo barnaamijka ka qeyb gelayay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan kajirin dowlad shaqeysa balse ay jirto dowlad ay gacmaha ku wadaan shisheeye isagoo Xasan Gurguurte iyo maamulkiisa ku tilmaamay kuwa qabyaalad iyo shisheeye kalkaalnimo isku darsaday.

Horjooge Axmed Madoobe oo Kismaayo weli ka wada dhac, boob iyo dil ayaa sidoo kale Xasan Xeyle uu sheegay inuu yahay nin ku takri-falaya awood ay siisay dowladda Soomaaliya balse Kismaayo aysan lahayn Ogaadeen oo Kenya ay gacanta u galisay markii laga adkaaday ciidankii maamulka Col. Barre Hiiraale.

Halkan hoose ka daawo…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com