Siihayaha wasiirka gaashaandhiga oo booqday deegaano Bakool kamid ah

0

Siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga  iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Tayeglow ee gobolka Bakool,wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka gobolka,kan degmada iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Tayelow siihayaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la yeeshay maamulka gobolka Bakool ayagoo kala hadlay arimo ay kamid yihiin adkeynta Amniga iyo xaaladaha kale deegaanadaasi.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Siihaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tababar u soo xiraayo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kuwaas oo in muddo Afar Bilood  ah tababar uga socday degmada Tayeglow ee gobolka Bakool.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Tayeglow ee gobolka Bakool Cali Cabdinuur Iimaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in askarta maanta loo soo xiray tababarka sidoo kale la siiyay qalabkii ay ku dagaal gali lahaayeen.

Sidoo kale Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in askarta tababarka dhameysatay ay tiradoodu tahay ku dhowaan 400 oo askari kuwaas oo qeyb ka noqonaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaalka kula jiray Maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan ka wadahadalnay xoojinta amaanka degmada iyo sidii loo kordhin lahaa Ciidanka deegaankan oo aan u sheegnay in uu yar yahay loona baahan yahay in la gaarsiiyo 1000 askari wayna naga ogolaadeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee maanta na soo booqday”