Kheyraadka dalka oo kulan laga yeeshay.

0

Kulankan  aqoon  iswaydaarsiga   ayaa  la xariir  sidii looga hortagi  karo  khilaafka ka  dhasha  kheyraadka  dalka iyo  sida loo  qeybsan karo kheyraadka dalka  maadaama uu  dalkeenu  qatay nimaadka Federaalka isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda SIRC  ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho.

Furitaanka aqoon isweydaarsigan ayaa  waxaana  ka qayb  galay siihayaha  Wasiirka wasaaradda   Arrimaha gudaha  iyo Federaalka  xukuumada Soomaaliya ku simaha  Wasiirka Beeraha  gudoomiyaha guddiga   Maaliyadda iyo  Ganacsiga  Barlamaanka  Soomaaliya.

Aqoon is waydaarsiga ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa uu socon doono mudo  Sadex cisho ah  ayaa  loo qabtay in badan  60  qof oo   isku  jira   Ragg  iyo Dumar kuwaasi   ka kala yimid qaar ka mid ah gobolada  dalka.

Mudane  Cabdulahi  Jaamac  Xuseen   gudoomiyaha  guddiga  Maaliyadda iyo  Ganacsiga  Barlamaanka  Federalka Soomaaliya oo kulanka  ka hadalay ayaa  sheegay  in dalka Soomaaliya uu  xiligani qaatay nidaamka  Federalka  oo  ku cusub bulshada Soomaaliya,isla markaana ay  sameysmeen maamul goboleedyo loona  bahanyahay  in Dowlada Soomaaliya ay  samayso  sharci qeexayada  sida loo qeybsan karo kheyraadka dalka Soomaaliya   iyo  cida  xaqa  u leh  in gasho  heshiisyada   ku aadan   kheyraadka.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha  iyo Federalka Soomaaliya   mudane   Cabdulaahi  Godax Barre oo  furay   aqoon isweydaarsiga  ayaa ka hadlay  halka ay  marayaan  dhismo maamulada  dalka isagoo sheegay  in marka  dalka oo  idil  laga  hirgaliyo maamulo dhamaystiran  la samayn  doono  gudi  badala  gudiga   KMG ah ee xaduudaha  iyo hadda shaqeeya .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com