Top News:Gudoomiyaha Jowhar oo diiday xilka qaadista lagu sameeyey.

0

Guddoomiyaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe Maxamed Cismaan Xaaji Caqiil ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadis Wasaarada Arimaha gudaha ay ku sameysay, xilli shalay Magaalada Jowhar uu tagay Agaasimaha Wasaarada Arimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane.

Guddoomiye Caqiil oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uusan aqbali doonin xilka qaadis illaa inta wareegto lagu bedelaayo ka soo baxayso xafiiska Madaxweynaha Jamahuuriyada Federalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amray inaan xilka laga qaadi karin shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaasi awgeedna uusan xilka ka qaadi karin qofna.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan ayaa sheegay in isbedelka uu ku dhowaaqay Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ay u keeni karto buuq badan degmada Jowhar. “Degmada Jowhar muddo saddex sano ku dhow ayaan soo maamulayay wax qalqal iyo buuq ah iyo amni darro kama dhicin, balse arrintan waxaan u malaynayaa in buuq badan keeni karto,”.

Muran ayaa ka taagan isbedelkaan Wasaarada Arimaha gudaha ay ku sameysay maamulka Magaalada Jowhar, welina Wasaarada si rasmi ah ugama aysan hadlin arintaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com