DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiin beesha caalamka ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjirayaasha dowladaha iyo ururada caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Xassan Sheekh maxamuud ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo laba laabilahaa wadashaqeynta dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka iyo kordhinta taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeybgalay iyo madaxweynaha ayaa is dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka gaar ahaan arrimaha amaanka,horumarinta iyo dhanka bani’aadanimada iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen safiirada kulanka ka qeybgalay khudbadda madaxweynaha ee kulanka.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa kulanka kadib sheegay in isku fikir laga ahaa guud ahaan qodobada laga hadlay isagoo kulankan ku tilmaamay is xog wareysi madaxweynaha iyo safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa kaqeybgalay dhanka Soomaaliya madaxweynaha jamhuuriyadda Xassan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad)iyo la taliyeyaasha Madaxweynaha ee arrimaha amniga iyo siyaasadda iyadoo ay dhanka diplomaasiyiinta goobjoog ka ahaayeen,

Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Noclos key,danjireyaasha midowga Yurub,Turkey,Emarate,Sweden iyo wadamo kale waxaana uu kusoo dhamaaday si guul ah.

DSC_3089  fff-515x343 gg-515x343 IB0A1039-515x343 sss-515x343 vv-515x343 W-515x343 b11-515x343 bbbb-515x343 cc1-515x343 DSC_3078  DSC_3080ddd-515x343

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com