DHAGEYSO+SAWIRRO:- Kulan Nabadeen Ah Oo Maanta Ka Dhacay Maagaalda Caabudwaaq Ee Waqooyiga Goblaka Galguduud.

0

Caabudwaaq, AGGM: Kulankan ayaa ahaa mid lagu heshiisinayay laba beelood oo walaala ah oo dagaal ka dhex socdey in mudo ah, kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay maanta qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Caabduwaaq iyaga oo aad arkeysay in ay ka wada go’aneyd in aay meelkaga soo wada jeestaan colaada daba dheeraatay iskana qabtaan cidkasta oo ka shaqeynayasa colaad Sokeeye…

Waxay dadkaasi isku dhaar sadeen in cidii laga shakiyo in ay xumaha dadka iyo degaanka ka shaqeynayso gacan bir ah lagu qabto, haddaba Odayaashi ka kala socdey labaadaa beelood ayaa waxa ay isla qaateen Nabadda iyo Heshiiska ay maanta walaalahood ugu yimaadeen, waxaana ay u mahad celiyeen dhamaan dadkii ka qeyb qaatey Nabadaan maanta halkan ku dhalatey oo ay ugu horeeyeaan Odayaasha iyo Gudiga iyagu ku howlan sidii aay u xalin la haayeen colaadaan iyo waliba qeybaha bulshada sida Ganacsatada dhalinyarada hooyooyinka iyo bulsha weyntii isku timid maanta oo idil.

Si kastaba ha ahaate kulankan ayaa daba socda ka dib markii ay dhawaan soo gaareen magaalada Caabudwaaq wafdi ka socday labada beeloodoo dirirtu dhex martey iyaga oo maalmihii danbe ku mashquulsanaa sidii aay uga dhabeen lahayeen najiidadoodi ugana dhigi lahaayen mid wax ku ool ah.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

1 2 3 4 5 6 7 8

By.Sharmaake Cabdi Khaliif
Allgalgaduud Media Caabudwaaq, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com