DHAGEYSO: Wasiirka Maaliyada Oo Baaq U Diray Ganacsatada..

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxa uu sheegay in dhaqaalaha soo gala uusan ka badneyn mushaarsiinta ciidanka dawlada iyo shaqaalaha kale ee dawlada.

Hadalkaan ayuu ka jeediyey Wasiir Xalane Kulankii Baarlamaanka Shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho isagoo tibaaxay inay ku rajo weyn yihiin dhaqaalaha in sanadka soo socda uu kobco.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane Xalane waxa uu baaq udiray ganacsatada Soomaaliyeed isagoo sheegay in bixinta Canshuurtu tahay mid muhiim ah ganacsadihii bixin waaya canshuurtana ay noqoneyso mid dalkiisa dembi ka galay.

Warkaan kasoo baxay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay ka cabanayeen canshuur xad dhaaf ah oo laga qaado.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com