Daawo: Odayaal Baydhabo ku shiray oo kasoo horjeestay shir Shariif Xasan uu horboodayo oo la qaban rabo.

0

Kadib shir jaraaid oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka maamulka lixsa gobol ee koonfur galbeed ayey kaga hadleen sida ay u arkaan shir dib u heshiisiin ah oo la sheegay inuu qabanayo mdaxweynaha maamulka sadexda gobol Shariif Xasan Sheakh Aadan.

Kulanka odayaasha kadib ayaa nabadoon Xasan shuure Maxamuud oo ah gudoomiyaha odayashaasi oo lahadlay warbaahinta waxa uu sheegay in in mudo ay ku howlanayeen shir ay ku heshiisiinayeen dadka wada daga gobolada koonfur galbeed Soomaaliya waxaana uu xusay in aaney raali ka noqon doonin qorshe walbo oo uu wado Shariif xasan Sheakh Aadan.

Baydhabo ayaa la sheegay in la qorsheynayo sidii loogu qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah oo sid la tilmaamay ay kasoo qeyb glayaan dhinacyada dhaliilsan maamulka sadexda gobo lee koonfur galbeed Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com