Maqaal: Mudane; Madaxweyne u tur dalka iyo dadka! W/Q. C/xafiid Sacdi Jaamac

0

Waxaan ugu horeyn ku mahdinayaa Alle (SWT), waxaana ka baryayaa in Alle ummadda soomaaliyeed dhibka ka saaro. Waxaan guda galayaa qoraalkayga oo aan cinwaan uga dhigay; mudane, madaxweyne u tur dalka iyo dadka. Khilaafku ma ahan mid hadda bilowday ee waa la’isku soo murxay, maxaa sababay?

  • Dhismaha maamul goboleedyada miyaa?
  • Safaaradaha iyo arimaha dibadda miyaa?
  • Saraakiisha ciidamada miyaa?
  • Guddiyada madaxa banaan miyaa?
  • Isku shaandhaynta miyaa?
  • Maslaxad shakhsi ah miyaa?

Run ahaantii waxaan si dhaw ula socdaa arrimaha siyaasadda soomaaliya iyo waliba khilaafka hadda jira, iyo anigoo wax badan kala socda waxa  ka dhacaya madaxtooyada, waan hubaa in madaxweynuhu akhristay dastuurka ku meel gaarka ah , fahmayna. Haddii sidaas aan sheegay ay tahay madaxweynuhu wuxuu u baahan yahay inuu muraajaceeyo buuga yar oo saacado lagu dhamayn karo akhrintiisa, waxaa sidoo kale akhrinkara qof kasta oo soomaali ah, si gaar ah meelaha hadda dirirtu ka jirto.

Fiiri, waa maxay xilka iyo awoodda ra’iisul wasaaraha? Waxaad markiiba arkaysaa in qodobka  100aad (a) iyo (b) ee dastuurka KMG ay qeexayaan, waxaan oga jeedaa magacaabista iyo xil ka qaadista golaha wasiirada waxay ka mid yihiin awooda ha ra’iisul wasaaraha, sidoo kale ra’iisul wasaaruhu wuxuu leeyahay awoodo kale oo uu gaar u leeyahay iyo kuwo uu la wadaago madaxweynaha (la tashi). Haddaba waxaan madaxweynaha,oo ah  qofkii ilaalin lahaa sharciga dalka u yaala, waydiinayaa sababta uu u qarxay  ka dib isku bedelkii uu RW sameeyay? Qodobada kor ku xusan ayaan is leeyahay waxbaa ka jira.

Majiro wasiir shaqadii laga eryay ee waa isku shaandhayn, marka xaggee madax weynuhu wax ka arkay oo uu haddana ka diday? inta aan ogahay siyaasadda soomaaliya taalla gaar ahaan midda muqdisho kuma dhisna sharci ilaalin, isla xisaabtan, isku tanaasul, samir iyo dul qaad iyo in laga faa’idaysto dhacdooyinkii hore ee aan lagu najixijirin, taas badelkeeda waxaa sharciga ka weyn nin jeclaysi, aniga ii daa, lacagtaan qaado, iiga fuq , waa kaaga dhagay iyo marka ugu dambeysa oo in la is hardiyo ay bilaabato, markay meeshaas marayso waxaa qaylada ku soo baxa xildhibaanada oo runtii aan ogahay inay wax walba iskugu jiraan, bal aan wax yar ka iraahdo sababta kala qaybisay golaha wasiirada iyo xildhibaanada aan ku hor maro wasiirada.

Sida ku cad dastuurka KMG- xilka iyo shaqada wasiirka waa in uu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha wasaaradiisa, meeshaas waxaa ku jirta su’aal ah wasiiradii codsiga is casilaadda ah u gudbiyay ra’iisul wasaaraha maxaa ku kalifay arintaas mise waa ku qadimayside ku qabso?

Jawaabtu way caddahay; madaxweynuhu wuxuu si gaar gaar ah ula shiray wasiiradan mid walbana si gaar ah ayuu wax ugu sheegay haba ugu horeyso – adigaan ku magacaabayaa, iyo balan qaadyo kale oo tiro badan. Wasiiradaas cabsi kale ayaa haysa oo ah in ay isleeyihiin madaxweynaha ayaa dambaynayee ee ka agdhawoow inta ay goori goor tahay, mida ugu muhiimsan ayaa ah in wasiiradani kalsooni darro hayso taas oo ah inaysan waligood arkin ra’iisul wasaare kursiga ku negaada oo mid kasta madaxweynaha ayaa cayriya ama cayrinjiray marka meeshaas waxaad ka aragtaa in sharcigii dalka u yaalay uu madaxweynuhu ku fadhiyo,khilaafkuna waa soo jiidamayay in mudo ah mar walbana wuxuu ka bilowdaa nin jeclaysiga iyo madax adagyga madaxweynaha. Waxaan runtii bogaadinayaa wisiirada xil kaska  ah ee howshii loo igmaday ee ay ummadda u hayeen sii wada oo shaqadoodii qabsaday, ilaaliyayna sharciga. Wasiirada kale ee xafiiska madaxweynaha fadhiya waxaan kula talinayaa shaqadii ummadda aad u hayseen ku laabta joojiya inaad shakhsi difaacdaan ee waxaad u hiilisaan sharciga iyo dastuurka KMG.

Dhinaca baarlamanka waa arrin laga naxo xildhibaanada mooshinka keenay maxay cuskadeen?

Waa sax oo xaq ayay u leeyihiin,laakiin ujeedku ma laxisaabtan  xukuumadeed mise waa  mooshin wajiyo kale loo yeelay, oo gudoonka baarlamaanka (oo runtii u muuqda mid hal dheg wax loogu sheegay) uu wado kadibna ay u qorshaysan tahay inuu yiraaho gacmaha hala taago ,,,,,,,,,1,,2,,5,,55,,195  sidaas ayay xukuumaddii ku dhacday ? Waxaan aad ula yaabay xildhibaan maalin dhaweyd hadlayay !!! Wuxuu yiri RW wuu dhacay, ma joogayo , ha iska tago. Xaqiiqatan dhibka waxaa keenay 135 tii oday oo keenay xildhibaankaas  idaacadaha iska taagan oo xilka saaran aanan fahmin iyo mas’uuliyadda umaddu uu uga waliika yahay, xildhibaanada mooshinka keenay waxaan kula talinlahaa inay siminaaro badan oo aqoon kororsi ah ay aadaan.

Dantu maxay tahay? -waa in xasan iyo c/weli ay wada shaqeeyaan wakhtiga yar ee haray.

-in xildhibaanada mooshinka wadaa ay joojiyaan badelkeedana ay madaxweynaha talo siiyaan in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka.

Haddii ay taasi dhiciwaydo maxaa ku xigikara?

  • Waxaa ku xigikaro nin walbow geedkaad gaadho miro ka guro.
  • Wakhtiga oo sii jiitama.
  • Gaalada oo marmarsiiyo heshay. (markii horeba dandooda ayey wateen).
  • Hotelada xamar oo ay ka furmaan fadhiyadii baarlamaanka.
  • 2016 waxaa loo yeeridoonaa 135 tii oday.
  • Amisom waa sidaan rabay.
  • IGAD waa beerteedii oo u baxday.
  • Aduunka waa mashruuciisii oo sii balaartay.
  • Ku meel gaar lagama bixin.
  • Iyo kuwo kale oo badan.

By C/xafiid Sacdi Jaamac

muxsin7076@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com