Daawo+Akhriso: Heesta Caawa Iyo “Soomaaliya Waa Mashruuc”… Wasiir, Abwaan Cabdiraxmaan Beyle…

0

Heesta Soomaaliya waa mashruuc oo miraheeda uu leeyahay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mr.Cabdiraxmaan Beyle, waxa uuna kaga hadlaayaa sababta ay Soomaaliya u degi la’dahay, heestaan waa mid dhuuxa iyo lafaha dhalaalinaysa, kicinaysana dareenka inta u damqanaysa dalka iyo dadka Soomaaliya. Heesta daawasho ahaan iyo qoraal ahaanba kaga bogo.  



Adaa moogoow hurdoo
Maqane joogaad tehee
Soomaaliya waa mashruucoo
Galkaa maaxdeen dhammaan
Malabkaa doocaan ka baxa
Sidii mirihii Jannada
Adduunyadu muudsatoo
Muraad baa laga wataa
***
Adoon muran dheer u gelin
Mullaaxda ka qaada oo
Haddaan isku mowjad tahay
Adaa macnaha ila garan
Masiibada oogan iyo
Jabkay kula maagan yihiin
Miyaan waanadu ku solin?
Xaggee hadal kaa maraa?
Soomaaliya waa mashruuc
***
Murtidu waxay daaran tahay
Haddoo la’is wada malmalay
Hadooy arrimuhu murgeen
Darkood meehannowdo iyo
Muxuu muusannow ku tari?

Mahiigaankii ku helay
Mareegaha goosayoo
Wakaa wakaa wakaa maxastii la tegay

***
Baytka 2aad
Moogoow adigaa hurdee
Waxaan kuu muuqan iyo
Soomaaliya waa mashruuc
Mudahaan adeega iyo
Inaaney midoobi karin
Mataano rumaad aheyn
Rag baa maaloo yaqaan
Malaayiin baa ku baxa
***
Wankii adhiga u mudnaa
Ninkaad soo mayrac tidhi
Cadduur meermeerka badi
Middiyo dhiigluu sitaa
Muskuu soo taagan yahay
Waxbaa meel leysla dhigay
Muddadu dheeraatayoo
Waxay noqon mooyi talo
Soomaaliya waa mashruuc
***
Hoorinta
Murtidu waxay daaran tahay
Dhamaan shicibkii mudnaa
Adaa meermeerka baday
Darkood meehanowdo iyo
Muxuu muusanawgu tari

Mahiigaankii ku helay
Mareegaha goosayoo
Wakaa wakaa wakaa maxastii la tagay

***
Baytkii 3aad
Adaa moogoow hurdoo
Maqaarsaar baad tehee
Soomaaliya waa mashruuc
Hadday magac weyn lahayd
Maamuus iyo sharaf badnayd
Maqaam sare lagu yiqiin
Markhaati waxaad ka tahay
Haddaanad is dhega marayn
***
Habeen baa u dumay madow
Maandeeq ololkeeda iyo
Waxay soo mudatay iyo
Madiixeedaa i dhibay
Muuqeedana waan arkaa
Haddana ma malaysan karo
Muxuu murugiyo xanuun
Qalbigu i maryaadayaa
***

Murtidu waxay daarrantahay
Haddoo la’is wada malmalay
Haddoy arrimuhu murggeen
Darkood meehannowdo iyo
Muxuu muusannowgu tari?

Mahiigaankii ku helay
Mareegaha goosayoo
Wakaa wakaa wakaa maxastii la tegay
***

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com