Dhageyso:-Wariye C/risaaq Siiriya oo Xalay Gurigiisa lagala baxay

0
Ciidamada Nabad Sugida  Soomaaliya ayaa Xalay Gurigiisa oo ku yaala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir kala baxay Wariye C/risaaq Cumar Axmed”Siiriya”oo kamid ah Wariyaasha Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Gurigiisa kawateen Wariye C/risaaq Cumar Axmed,waxaana sidoo kale ay ka Xaysteen Xaasikiisa,inkastoo markii danbe la soo daayay Xaaska Wariye Siiriya.

Ciidamada Nabad Sugida ayaan  la ogeyn halka ay ku xireen Wariye C/risaaq Cumar Axmed Siiriya oo Xalay 9:00 Fiidnimo Saacada Geeska Afrika lagala baxay Gurigiisa oo ku yaala Degmada Boondheere.

Ilaa hadana lama oga Ujeedka Wariye C/risaaq Cumar ay u xireen Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka