Maqaal:MUSUQ-MAASUQ SOMAALI WAA MEHERADEEDII.

0

Maqaal-Mahad oo dhan Allah(SWT) ayeey u sugnaatay- Naxariis iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxammed CSW) korkiisa, Madaxnimada waa xil ama Masuuliyad weyn oo Raxmaanku ku eegaayo Basharku sida eey wax qabad, hab cadaaladeed, hogaamin daacadnimo iyo xaq ku dhaqmid ku Maamulaan Ummadda eey Madaxda u yihiin magac Allah uGu dhaarteen inkastoo cadaalada basharku la imaan karaa tahay wax iska yar (nisbi ah) hadaba damiir wanaaga, daacadnimada, dadaalka iyo kartida qofka ayaa ahamiyadooda leh, waana sifooyinka si weyn uga maqan kuwa xiligan horboodayaasha u ah Dowladda Federaalka iyo Maamulada Jiraba (Inkastoo Dalka Somaaliyeed si weyn uGu ooman yihiin cadaalad iyo xaq soor).

Khilaafka, muranka iyo dhaqanka Keli-talisnimo waa mid dhiiga Dadka Somaaliyeed ku abuuran salkana ku qotoma dhaqan qabyaaladeedka colaadda, naceeybka iyo is-riixidda ku saleeysan asalkii hore baadiyaha (miyiga) looga dhaqmi jiray balse intii xoriyada ka dameeysan Magaalada lala soo galay weliba si weyn u saameeyeey kuwiireer magaalka ahaa Ilbaxnimada lagu tuhmaayeey, markaas Khilaafyada joogtada ah waa kuwo dano gaar ahaaneed, ujeedooyin
qabyaaladeed, hab kooxeeysi iyo awood maroosi ah (tallo wadaagida iyo xuduud masuuliyaad illaalinta diidan) ama la oran karaayo amarkeeyga qaado, waxaa arrimahaas kaalin weyn ku leh Qeybta Sharci dejinta (Wakiiladda) oo mar walba fadhiid ah iyo maqnaanta Maxkamadii Dastuuriga aheyd oo awoodaha kala saari laheyd, sidoo kale waxaa mar walba Khilaafyadu isu bedelaan hab beeleed (Qabyaalad cad) iyo hab kooxeeysi dano gaar ahaaneed ka dameeyaan kuna soo afjarma (Fadlan Lacag igu Shubo) laaluushka xaaraanta ah, sidda Xildhibaanad:- Sareedo Maxamed golaha ka cadeeysay (xaqu dilaacay).

Hadaba Khilaafkan hada taagan oo la oran karaayo waa kii uGu xiisadaha badnaa uguna jaha-wareerka weynaa guud ahaan hanaan shaqo xukuumada iyo hey’adaha dowladeedba curyaamiyeey ayaa salka ku hayo arrimo dano gaar ahaaneed ku saleeysan iyo dhaqanka hab kooxeeysiga ah, wax dan ah uGu jiraan Ummadda Somaliyeed, waxaana ayaan daradeeda iyo garasho xumadeedaba leh in Dhaqaalle xaf dhaaf ah loo adeegsanaayo keenidda Mooshino iska soo horjeedda halka maanta abaar awgeed Kumayaal qof ama qoys ku dhiban yihiin goboladda qaarkood, kumayaal kale banaanka taagan yihiin Fatahaada webiyadda Shabeele iyo Jubba, kumayaal Qoys ku Barakacsanyihiin Muqdisho iyo degaamo kaleba, kumayaal Agoomo ahi eey Gaajoonaayaan, Kumayaal Naafo ah tabaaleeysan yihiin, boqol qoys oo ah (Qoysaskii Askartida Ciidanka Xoogga) nool xumo heeyso, hadaba kuwa Hoteeladda iyo goobaha kale ee kulamada habka
qarsoon ah la wareegaaya Lacagta xad dhaafka (Dollarka) kala iibsiga Xildhibaanadda fadhiidka ah ama Damiir-laawayaasha xaaraanta guranaaya la kala safan labada Daneeyste:-

Madaxweyne-Xassan Sh iyo Ra’iisalWasaare-C/Weli Sh ma lagu tilmaami karaa Xildhibaano ama masuuliin magac ummadda huwan- xaasha-maya iyo maya laaluusha eey qaadanaayaan waa sun ka soo shaaci doonta, waana Xaqa dadkaas masaakiinta ah, kuwa Madaxda sheeganaayaan waa kuwo meel walba ceeb, fadeexad iyo gunimo u taal, sidoo kale waxaa ayaan daro ah kuwa aqoonyanhanka iyo qorayaasha isku sheegaaya qabyaalada, gunimada iyo naceeybka garasho xumada ku saleeysan faafinaaya iyo warbaahinta ku mashquushay tumidda durbaanadda ummad kala fogeeynta (sharaf dhac iyo durbaano gunimo dheh) .

SOO DHOWEEYNTA BAARITAANKA XADGUDUBYADDA CIIDANKA AMISON.

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabada, midnimada iyo cadaaladda Codka inta damiirka nool, dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta ah Somaaliyeed ku hadleeyna waxaanu soo dhoweeyneeynaa baaritaanka Ururka Midoowga Afrika ka bilaabeen XadgudubyadiiCiidanka Amison kula kaceen Haweenka Somaaliyeed (Barakacsanayaasha ah) Kufsigii gunimada iyo dhaqan cadoownimo ku saleeysaa, sidoo kale waxaa soo dhoweeyn leh Go’aanka Dowladda Ugaandha shaqada uga joojisay 15-ka Sarkaal kana mid ahaan jiray Ciidanka Amison Somaaliya joogeey ku eedeeysan Kufsigga.

Urur ahaan anagoo dhoowr jeer ka soo saarnay baaqyo, qeylo dhaan iyo qoraalo rasmi ah tacadiyada iyo xadgudubyadda Ciidmadda Amison iyo kuwa Somaaliyeedba kuna baaqnay baaritaano rasmi ah iyo ogaanshaha xaqiiqada dhabta, balse ayaan darro noqotay in dowladda federaalka Somaaliyeed tahay mid aan dhego u dhigeeyn diyaarna u aheyn wax qabadasahada dhibaatadda culeeyskeedda leh gunimadda ku ah magaca iyo karaamadda Somaaliyeed la oran karaayo Madaxda Sare raali ayeey ka yihiin gefka Amison geeystaan ama danahooda ayaa ku xiran maadaama eey maxaabiis u yihiin Amison ama yihiin kuwo kufsiga gunimo lagu illaaliyo, runtii waxaa amaan, bogaadiin iyo dheeri-gelinba mudan Ururka HRW oo si cad u qeexayna heerka xadgudbka iyo tacadiyadda Ciidanka Amison ku hayaan Ummadda Somaaliyeed.

Urur ahaan waxaanu mar walba ku baaqeeynaa in baaritaankaas noqdo mid rasmi ah xaqiiqadda ku saleeysan kana reeban tahay guud ahaanba wixii loo arki karaayo daboolida xaqiiqada iyo farsamooyin kale wax is weeydaarin leh anagoo ku dhaliileeynaa Hogaanka sarre Dowladda Federaalka ineey si cad uga gaabiyeen doorkii ama masuuliyadeedii ka saarneyd karaamada Dadka iyo Dalkaba, mudnaan iyo ahaniyad weyna siiyaan Khilaafyada danaha gaarka leh iyo
boobidda deeqaha beesha caalamka bixiyaan (hab kooxeeysigu yahay hadafkooda koowaad iyo hebel difaacida) waxaa dhaliisha si gaar ah u leh:

-Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka, Gudigga Illaalinta Xuquuqdda Barlamaanka, Golaha Culimaa-udiinka, Bahdda Qareemadda, Odayaasha Dhaqanka, Ururka Haweenka, Ururadda Illaalinta Xaquuqada Somaaliyeed,Ururadda Siyaasadeed (qabyaaladda durbaanada u tuma) iyo qorayaasha durbaanada naceeybka, gunimo buun-buuninta iyo dhinac u xalgiinta caanka ku ah (ceebeeysanayaasha) iyo guud ahaanba inta ka gilgilan waayeey guud ahaanba dhaqan gumeedka iyo karaamo dhaawicidda Somaaliyeed.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda, Midnimadda Iyo Cadaaladda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com