DHAGEYSO:- Maamulka SH/dhexe oo dhawaan weeraraya….

0

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada Shabeelaha Dhexe Cali Cismaan Ibraahim ayaa warbaahinta  u sheegay in dhawaan Alshabaab ay ka saari doonaan deegaanada Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay qorsheynayaan inay weeraraan fariimaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaasi Shabeelaha Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Alshabaab ayaa inta badan laga saaray degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe sida , Balcad, Jowhar, Mahadaay, Cadale iyo Warsheikh.