DHAGEYSO:- Ex Xildhibaan Maxamed Shiikh Cali Woosh “Madaxda Sare Ee Dowladda Yeysan Ku Dul Qamaarin Shacabka”.

0

Muqdisho, AGGM: Maxamed Shiikh Cali Woosh oo isagu ka mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaankii Kumeel gaarka ahaa ee Somaliya ayaa waxa uu ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee udhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Ex Xildhibaan Woosh waxa uu ugu baaqay inay Shacabka Soomaaliyeed ku dul qamaarin labada mas’uul ee is heysta,isagoo sheegay inay labada mas’uulba ay yihiin kuwo khaldan.

Maxamed Shiikh Cali Woosh ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay inan dib loogu laaban khaladaad soo dumiyey dawladihii dalka hore usoo bur buriyey isagoo sheegay inay khilaafkaan la mid yahay kuwo hore soo kala geeyey madaxdii dalka soo martay.

Khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya Madaxwyenaha iyo R/wasaaraha Dalka ayaa waxa uu noqday 48 saac ee lasoo dhaafay mid gil gilay guud ahaan Dalka iyo meelaha ay Soomaalida joogto oo aad looga hadal hayo iyadoona siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan in labada mas’uulba ay adeegsanayaan qodobo Dastuurka ka baxsan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com