DEG DEG TOP NEWS:- R/wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh oo ka jawaabay go’aankii Madaxweynaha…

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa bartiisa facebook uga soo jawaabay warsaxaafadeed uu MAdaxweynaha Soomaaliya ku burriyay iskushaandheyntii uu maanta ku sammeeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.

Raysal wasaare cabdiwali ayaa si dan u hadlay . Hannaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee dalka soomaaliya waa mid maraya meel xasaasi ah,

waxaana haboon in la dhawro dastuurka & sharciga dalka u degan.
Masuulka kasta oo maqaam sare ka haya dawlada federaalka ah ee Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inuu si wadanimo, geesinimo & hawlkarnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo.

Lama joogo waqtiigii shaqsiga la jecleysan jirey balse waxaa la joogaa waqtigii shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada lixaadka leh haysato la badbaadin lahaa.

Waa dhamaaday waqtigii isjiid-jiidka iyo siyaasada qalafsan lagu dhaqmi jirey,waxaana golaha wasiiradda iyo xukumaddaba looga fadhiya inay laba jibaaraan hawlahooda shaqo si dalku marxaladaha uu marayo looga gudbo loona qabto shaqo adag oo na hor taal.

Shacabka soomaaliyeed waa dad jecel nabada,horumarka iyo dawladnimadda, waana dad doonaya inay ka soo kabtaan dhibaatadii mudada badan soo jiitamaysay,

mana dhici doonto in shacabka soomaaliyeed la caburiyo masiirkooda iyo rabitaankoodana lagana horyimaado.
Hadal yar,hawl-badan & Hanuunsanaan baa inoo balan ah.
Mahadsanidiin”.