Dhageyso: Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo Shalay Ku Dagaalamay Deegaanka Bandiiradley Ee Gobolka Mudug.

0

Gaalkacyo, AGGM: Wararka ka imanaaya deegaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in xiisad u dhaxeyso Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka jirto, ka dib isku dhac u dhaxeeyo uu ka dhacay deegaankaasi maanta.

Ciidamada labada dhinac, ayaa waxay Khamiistii isku fara saareen deegaanka Bandiiradley, iyadoo Maamulka Puntland lagu eedeeyay in uu weerarkaasi ka dambeeyay, halka Ciidamada Galmudugna ay iska caabiyeen.

Gudoomiyaha deegaanka Bandiiradley ee Maamulka Galmudug C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loogu yimid dhulkii ay ku sugnaayeen, isagoona Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ku eedeeyay in uu dusha ka riixaayo duulaankaasi.

Gudoomiyaha waxa uu intaa ku daray in Madaxweynaha Puntland ay ka dhaadhacsan tahay in dhulkaasi ay lee yihiin dadka reer Puntland, isla-markaana uu ugu baaqaayo inay ka saaraan dadka reer Galmudug.

C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa ka dhawaajiyay in hub uruursi uu ka soconaayo Bandiiradley, isla-markaana ay isku muuqdaan labada dhinac, xilli kastana ay suurta gal tahay inay wada dagaalamaan.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in xiisada ka taagan Bandiiradley ay soo cusboonaatay, markii Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/wali Sheekh Axmed Maxamed, uu heshiis la saxiixday Puntland.

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Bandiiradley, ayaa wuxuu Maamulka Puntland ugu baaqay inuu ka fiirsado in la wada dagaalamo, isla-markaana uu ka doorbido nabadda in lagu wada noollaado, sida uu yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com