Dhageyso: Dowladda oo go’aano adag ka soo saartay amaanka Muqdisho

0

Kulan Aan Caadi aheyn oo uu shir guddoominayay R.wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  Ridwaan Xirsi Maxamed ayna goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Hayadda Nabadsugidda Qaranka iyo Saraakiisha sarsare ee Boliska,Milatariga,Nabad-sugidda, Amisom iyo Saraakiil Mataleyay Hayadaha Dhinaca Amaanka Ka Caawiya Dowladda Soomaaliya, ayaa laga soo saaray Go’aanno lagu dardar galinayo howlgallada Amni sugidda ah ee ciidamada qalabka Sida ee soomaaliyeed ay ka wadaan magaalada muqdisho iyo goobalada kale Ee laga saary Al-Shabab.

Go’aannada shirka ka soo baxay waxaa kamid ah, In Ciidamada Amaanka ay si wada jir ah Guri guri u baaraan Xaafadaha Magaalada Muqdisho,Garaashyada,iyo Bartilmaameedyo kale oo lagu tuhmayo in lagu Abaabulo falal dambiyeedyo mararka qaar ka dhaca magaalada muqdisho.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday Fikrado iyo Af-kaar muhiim ah Oo la xiriirta habka howlgalkaan uu u dhacayo, waxaa sidoo kale lagu muujiyay kulanka sida ugu wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadan karaan howlgalkan lagu sugayo Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale ee dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Maxamuud Oo shirka ka dib la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan uu waxbadan kaga badalnaan doono Howlagaladii Hore ay u wadday dowladda isagoo Carabka ku Adkeyay in dowladdu ay la wareegi doonto Gurigii Ama Geerashkii lagu Qabto Ama Lagu Fashiliyo Wax Ammaanka Dalka Lid Ku ah.

Wuxuu sheegay af-hayeenka in hada wixii ka danbeeyay laamaha amaanka ilgaar ah u yeelan dooonaan xaqiijinta amanka Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com