Dhageyso:Gudoomiye Jawaari Oo Diiday In Dalka La Keeno Ciidamo Cusub Oo Ka Socda Sierra Leone…

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ciidamo ka socda Dowladda sierra leone aysan imaan karin Dalka Soomaaliya Sababo la Xariira Cabsida laga qabo Cudurka Ebola oo Galbeedka Afrika Faro ba’an ku haya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dalka Sierra Leone laga helay Caabuqa Ebola islamarkaana Dowladda Soomaaliya ayadoo dalkeeda u naxaysa ay go’aan satay in Ciidamada sierra leone ee qeybta ka ah AMISOM aysan dalka imaan karin oo la hakiyo inta arrintaan ay meel u dhaceeyo.

“Warqad ayaan u qornay Dowladda Sierra Leone oo aan uga dalbaneyno in Amarkeena la tixgalyo,xitaa Saraakiil Kormeer uga imaaneysa sierra leone oo Soomaaliya imaan karta ma jiraan.

Hadalka Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xili Dad ka badan 4500 (Afar kun iyo Shan Boqol) oo ruux Cudurka Ebola ay ugu geeriyoodeen Dalal ku yaala Galbeedka Afrika,iyadoona Dalka sierra leone oo Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya laga helay Caabuqa Ebola.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com