Top News: Falaagada Al Shabaab Oo Afar Gadiidka Dagaalka Ah Ka Qabsaday Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni…

0

Kismaayo, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Deeganka Luglow oo Magaalada Kismaayo u jira 13 km uu ilaa shalay ka socday dagaal culus oo u dhexeya Maleshiyo Beeleedka Raskambooni oo kaa shanaya Ciidamada Kenya iyo Falaagada Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ay soo qadaan falaagada Al-shabaab ayaa waxaa uu socday in kabadan 6 sacadood waxaana dagaalkaasi ka dhacay qasaaro soo gaartay Labada dhinac ee dagaalamayay.

Sida uu ugu soo waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ilo wareed ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo Maleshiyada Raaskambooni waxaana dagaalkaasi uga dhintay Askar gaaraysa 45 halka dhawac badan u jiro sido kale Maleshiyada Raskambooni ayaa waxaa looga qabsaday dagaalka afar gadiidka dagaalka .

Falaagada Al-Shabaab ayaa waxaa ayaguna dhankooda dagaalkaasi ka soo garaay qasaaro iskugu jirta dhimasho iyo dhawaac aan la xaqiijin karin inta uu le,eg yahay.

Deeganka Luglow ee uu dagaalkaan ka dhacay ayaa waxaa uu u dhexeya Deeganka Bullogaduud ee ay Ciidamada Kenya dhawaan qabsadeen iyo Dagmada Kismaayo Luglow waxaay Kismaayo u jirta 13 KM halka Bullogaduud na ay u jirto 17 km.

Marka aad qimayso goobaha u dagaalku ka socdo iyo goobaha ay Ciidamada Kenya horay u qabsaden ayaa waxaa ku soo baxaya in Ciidamada Amisom iyo Maleshiyada Raskambooni ay ku jiraan Go,doon.

Isku soo wada duubo Howlgalka ay wadaan Ciidamadan iskaashanaya waxaa u socdaa mudo bil ah waxaana ilaa iyo hadda Ciidamadaasi ay dhaafi la yihiin deeganadii Maalinti koowaad ay ka qabsadeen falaagada Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com