Fadeexad+Dhageyso: Haweeney Uur Leh Oo Ciidamada Dowladda Maanta Jir Dileen.

0

Muqdisho,AGGM:Barakacayaal kusugan Degmada Boondheere gaar ahaan meel kudhaw Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta sameeyeen Dibadbax ay uga cabanayeen ciidan katirsan Dawlada oo dhibaatooyin ugeystay.

Banaanbaxa ayaa waxa uu ahaa mid ay kaga soo horjeedeen in lagu amray inay ka guuraan dhismo ay ka deggan yihiin halkaasi iyadoona lasoo sheegayo in ciidanka dawlada ay isku dhaceen dadka barakacayaasha ah.

Haweeney ka mid ahayd dadkii banaanbaxaasi ka hadlay ayaa si calool xumo ah waxay usheegtay in cunug caloosheeda ku jiray uu dilay Askari katirsan dawlada oo dhiig uu ka baxay markii si xoog ah loogu soo galay gurigeeda gacantana loogu tagey.

Waxay haweeneydaasi sheegtay inay ku Eedeynayaan Maamulka Degmada Boondheere in salkac ay ku hayaan xilli Degmada Aadan Yabaal oo katirsan Shabellaha Dhexe ay uga soo barakaceen Al Shabaab oo weli halkaasi kusugan.

Barakacayaasha maanta iskugu soo baxay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa waxay baaq ujeediyeen madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Janeral Muungaab si ay cabashadooda wax uga qabtaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com