Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Marki Uu Horeysay Ka Hadlay Saameynta Cudurka Ebola.

0

Muqdisho,AGGM:Ururka Al Shabaab ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadleen arinta caalamku dagaalka kula jiro ee ah Cudurka Ebola waxaana ay sheegeen in dadka Kismaayo ku dhaqan ay kula talinayaan inaysan tegin meelaha ay kusugan yihiin Ciidanka AMISOM gaar haan kuwooda ka socda Dalka Sierra Leone.

Gudoomiyaha Al Shabaab uqaabilsan Gobollada Jubbooyinka ninka lagu magacaabo C/raxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in Cudurka Ebola laga qaado Cunista Hilibka doofaarka isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee Kismaayo deggan inay la dagaalamaan Askarta Sierra Leone ee magaaladaasi kusugan.

Waa markii ugu horeysay oo Shabaabka Soomaaliya ay ka hadlaan Cudurka Ebola ee Dunida ka qeylo dhaamisay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com