DAAWO: Madaxweyne Xasan Oo Si Aad Ah U Dhibsaday Dareenka Shacabka Ee Ku Adanaa Kacaanka 21 Oktoobar, Fariina Soo Diray. Maxaase Fariintiisa Ku Beegay 22-ka Oktoobar?

0

Muqdisho, AGGM: Shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 Oktoobar ayaa waxa ay ku beegneed dabaaldaga sanadguuradii 45-aad ee Kacaanki Barakeysnaa ee 21 Oktoobar 1969.

Dhamaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa ay isugu hambalyeenayeen 45 guurada Kacaanki Barakaysnaa ee 21 Oktoobar.

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka Oktoobar Khudbad fariin Muqaal ah soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu si dadban uga hadlayo waxqabadki Kacaanka, islamarkaana si dadbana u maagayo Kacaanki Barakaysnaa ee 21 Oktoobar.

Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee maanta ayaa waxaa laga dheehan karaa mid ujeedooyin badan, waxaana ka muuqata inuu si aad ah u dhibsaday isu Hambalyeenti shalay ee Ummada Soomaaliyeed ay isugu hambalyeenaynayeen 21 Oktoobar islamarkaana ay amaanayeen amaba sheegayeen waxqabadki Kacaanka barakaysnaa ee 21 Oktoobar, Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbadiisa waxa uu ku sheegay Amaanta loo jeedin lahaa Dowladdiisa inay ka sareeyso Saliid Qadhaadh oo markuu qofku dhadhamiyo uu ka cararayo, balse loo baahan yahay in loo dulqaato Saliidaa Qadhaadh si loo gaaro Biyaha macaan ee ka hooseeya…

Halkaan Hoose Ka Daawo Khudbada Madaxweyne Xasan….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com