Dhageyso:Maamulka Degmada Balanbale Oo Ku Guuleystay Inay Ka Hortagaan Dagaalo Beeleed Dhici Lahaa…

0

Balanballe,AGGM:Maamulka degmada Balanbal ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegay in ay ku guuleysteen ka hor tagista dagaalo qaab qabiileed u dhici lahaa ka dib dadaalo ay sameeyeen.

C/rashiid C/laahi Geele ayaa sheegay in Magaalada ay ku qabteen kulamo lagu nabadaynayo beelaha walaala ah ee ku dagalamay Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ay sii wadi doonan shirarka lagu soo afmeerayo xiisadahii gacan ka hadalka ee ka taagnaa Degmada, xaaladuna hada ay tahay mid ka wanaagsan sidii hore.

Horay deegaano ku dhaw degmada Balanbale waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega, hasde ahaatee wada hadal ka dib waxaa la xaliyay dagaaladaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com