Dhageyso: Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Ereg “Ciidamo Gaar Ah Ayaan Diyaarinay Oo Ka Hoowlgalaya Dalka”.

0

Muqdisho, AGGM: Xilli qaraxyo is xig xigay maalin ka hor ay ka dhaceen magaalada Muqdisho,ayaa arintaasi talaabo looga hortagayo waxaa ku dhawaaqday xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka amniga qaranka xukuumada Soomalaiya Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay shir shalay ay yeesheen Golaha wasiirada ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo suga amaanka u sameeyeen,kuwaasi oo ka howlgalaya Jidadka waa weyn iyo degmooyinka gobolka Banaadir.

Khaliif Ereg ayaa dhanka kale sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay ka feejignaadaan falalka qaraxyada ah ee ka dhacaya .

Maalintii arbacada waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Labo qarax oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,kuwaasi oo intooda badan waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com