Dhageyso:- C/weli Gaas Oo Soomaaliya Umatalaya Shirka Maalgashiga Afrika Ee Magaalada London….

0

Garoowe, AGGM: C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland ayaa wafdi uu hogaaminayey waxay maanta ka ambabaxeen Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxa uu sheegay inay Magaalada London ay ku wajahan yihiin halkaasina ay kaga qeyb galayaan Shir looga hadlayo Maalgeshiga Africa.

Dalka Soomaaliya ayuu umatali doonaa Shirkaasi oo madax Afrikaan ah ka qeyb geli doonaan isagoo C/weli Gaas sheegay inay ka dhaadhicin doonaan Beesha Caalamka in deeganada Puntland ay soo maalgeshadaan.

Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdiweli Gaas uu umatalo shir caalami ah dawlada Somaliya iyadoo hore labo jeer sidaan oo kale Magaca Dawlada Somaliya Gaas uu shirar ku matalay.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com