DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo cambaareeyay weerarkii lagu qarxiyay dad rayid ah

0

Muqdisho, AGGM: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad caawa lagu xusayay maalinta calanka oo ku beegan 12-ka October ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay Muqdisho, isagoo qaraxaasi ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah oo ay ka dambeeyeen kooxaha dhagar qabayaasha Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay inay aad u xanuun badantahay  iyada oo caawa la xusayo maalinta calanka ay shabaabku si gaadmo ah u qarxiyeen dad rayid ah oo goob ku qaxweynayay, isla markaana ay soo agdhigteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

“Tani waxa ay tilmaameysaa raja xumuda Shabaab, waayo waxa ay dhibaateynayaan waa dad aan waxba galabsanin, inta naloo sheegay 13 ayaa ku dhimatay 18-kalena waa dhaawac oo qaarkood ay xaaladooda aad u liidato” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan hay’adaha amniga oo ay hal meel uga soo wada jeestaan dabar goynta cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Shabaab, ayna u dulqaataan sharciyada hay’adaha amniga ee ay kaga hortagayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Nimankaa nabad diidka ah ee dhagar qabayaasha ah qaraabo ma lahan, hay’adaha amniga waxa ay keeneen xog lagu ogaanayo dadka magaalada soo galaya, yaan la dhibsanin, maslaxadeena ayaa ku jirta, amnigeena ayaa ku jirta, cadowgeena dabar goyntiisa ayaa ku jirta ee haloo dulqaato” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com