Dhageyso: Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Isku Farasaaray Gobolka Bakool…

0

Waajid, AGGM: Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Gacan ka helaya Ciidamada Midowga Afrika iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay Deegaano hoos yimaada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geeystay Khasaaro Xoogan oo Dhimasho iyo Dhaawac ah,inkastoo Maamulka Dowladda ee Degmada Waajid ay Guulo ka shegteen.

Gudoomiyaha Degmada Waajid C/llaahi Aadan yariisow oo Warbaahinta gudaha dalka la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 7 Dagaalyahay islamarkaana Lix kale ay Nolosha ku qabteen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dhankooda uu 6 Askari dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray,waxaana uu Xusay in Maxaabiista Shabaabka ah ee ay hayaan Maamulka Gobolka ay ku wareejinayaan.

Al-shabaab wali kama hadlin dagaalka ka dhacay Gobolka Bakool ee maamulka dowladda ay Guulaha ka sheegteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com