War Deg Deg Ah: Xoolo Dhaqato Ku Dagaalamay Bali Biyood Deegaanka Himireey Oo U Dhaxeysa Xeraale Iyo Balanballe…

0

Balanballe, AGGM: Wararka naga soo gaaraya deegaanka Himireey oo u dhexeeysa degmooyinka Xeraale iyo Ballanbale ee waqooyiga Gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu halkaasi ka dhacay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalkan uu u dhexeeya xoolo dhaqato uu yimid kadib markii ay ku dirireen Bali biyo galen, xool;o dhaqatadan ayaa waxa ay kasoo kala jeedaan degmooyinka Xeraale iyo Balanballe.

Dagaalkan ayaa waxa uu reebay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray xoolo dhaqatadan ku diraray Baliga Biyaha, waxaa ku dhintay hal ruux halka ay ku dhaawacmeen sadex kale.

Halka ruux ee dhintay  iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ay kasoo kala jeedeen degmooyinka Xeraale iyo Balanballe.

Dhinaca kale waxaa jira dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka oo lagu qaboojinayo xiisadaas.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay ee ay xoolo dhaqatada deegaanadaas ku diriraan Baliyada Biyaha, dagaaladan ayaa inta badan waxaa sabab u ah abaaraha joogtada ah iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanadaas.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com