Xog: Ciidamada Kenya Oo Aqbalay Amar Uga Yimid Saraakiisha Sare Ee AMISOM Iyo Maleeshiyada Uu Hogaamiyo Axmed Madoobe Oo Diiday..

0

Kismaayo, AGGM: Shalay ciidamada maleeshiyada Raaskambooni ee uu hogaamiyoAxmed Madoobe iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay deegano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxay qabsadeen Lugloow, Yoontay, iyo Buula gaduud.

Qabsashada deeganadaas kaddib ayaa lagu wargeliyay saraakisha ciidamada AMISOM Qeybta Sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka inay ku ekaa-daan deeganada hadda ay xoreeyeen ayadoo lagu wargeliyay in ciidamada Sector 1 ee dhawaan xoreeyay Baraawe ay soo gaarayaan Jubbooyinka gaar ahaan Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, ayaa gebi ahaan diiday Amarkaa kasoo gaartay Muqdisho waxayna sheegeen inay wadayaan dagaalka ay Alshabaab kaga xoreynayaan Jubbooyinka, waloow aysan dhinac kale u dhaqaaqin.

Dihinaca kale Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni ayaa ku gacan seeray in ciidamo Soomaali ah iyo kuwa isku dhaf ah la keeno hawlgalka ayagoo sheegay inay awoodaan ka xoreynta al-shabaab degaanada hoos yimaada deegaanada Jubbooyinka.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada Kenya ayaa sheegay in aqbalayaan amarka saraakiisha sare ee Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho, taasi oo dhabar jab ku noqotay Maleeshiyo Beeleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo Saraakiisha Kenya waxay Axmed Madoobe u sheegeen inay qasab tahay inuu fahmo in ciidamada Kenya ay nidaamka iyo sharciga Amisom ka tallaabsan karin, islamarkaana diidmadiisa aaysan macno sameeneyn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com