Dhageyso+Sawirro:R/Wasaare Cabdiweli “Qabashada Baraawe waa dhammaadka Nabad-diidka Al-shabaab.

0

Mogadishu, 6, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalka Badweynta India ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baraawe oo ahayd goob muhiim ah oo kooxaha Al-shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.

Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka iyo Nabad-sugidda oo shir Jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in qabashada degmada Baraawe ay tahay guul weyn, waxana ay tilmaaameen in Al-Shabaab ay u ahayd xurunta ugu weyn ee gacantooda ku jirtay.

“Ciidankeenna Geesiyaasha ah iyo AMISOM waxay saaka qabteen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd kooxda Al-shabaab, dadka reer Baraawe oo ah bulsho nabad jeceylka ku caan ah, aad ayay u soo dhoweeyeen in laga dul qaaday cabburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro Argagixisada” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale hambalyo u diray Ciidamadda xogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa yiri “Howlgallada millatari ee socda ujeedkoodu waa in xididdada loogu siibo Al-Shabaab sababtoo ah waxay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagagga ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhalinyarada ay qaldeen Argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la jooga waxaan ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan “.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay wadamada dariska ah inay feejignaan muujiyaan si aysan dalalkooda usoo gelin firxadka kooxaha Al-shabaab, wuxuna dhinaca kale tilmaamay in ay sii socon doonaan howgalladu inta laga xoreynayo goobaha ay weli ku dhibaataynayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in la isku furi doona gobollada laga xoreeyo Al-shabaab wadooyinkooda, dhawaana la geyn doono gurmad deg-deg ah iyo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid.

Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya General Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiiyeen Saxaafada ayaa tilmaamay in kooxaha Al-shabaab aysan u babac dhigi karin ciidamadda xogga dalka isla markaana ay maciin bidaan inay ku dhuumaalaystaan goobaha ka baxsan magaalooyinka.

cabdu3 cabdu2 cabdu1 cabdu

—DHAMMAAD—-

Ahmed-nur Mohamed 
Warbaahinta Xafiiska R.W 
Mogadishu-Somalia 
Email1: media@opm.gov.so 
Email2: axmednuur59@gmail.com 
Tel: +252-6155-02546 
Twitter: @SomaliPm

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com