Shacabka MUQDISHO oo ugu dambeyn yeeshay dhiiranaan ku aadan Shabaab

0

Tan iyo markii la dilay hoggaamiyihii al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayay shacabka reer Muqdisho bilaabeen inay si cad u dhalleeceeyaan dhaqdhaqaaqyada kooxda iyagoo aan qabin cabsidii badaneeyd ee laga qabay aarsiga ee caasimadda sannadaha badan ka jirtay.

Barigii hore, waxay dadku ka baqi jireen inay goobaha caamka ah wax uga sheegaan xumaanta al-Shabaab sababta oo ah waxay kooxda xagjirka ahi dishay dad badan oo ka horyimid fikradaheeda, ayuu yidhi Cali Ibraahim, oo ka mid ah odayaasha Muqdisho.

“Sida kalsoonida leh ee ay shacabka Muqdisho ugu dhiirranayaan inay ka hadlaan ficilladii foosha xumaa ee al-Shabaab marka ay joogaan goobaha la isugu yimaado ka dib sannado badan [oo aamus ah] ayaa ka mid ah calaamadaha muujinaya in kooxdii bari isbidday awoodda ay daciiftay,” ayuu yiri. “Xaqiiqadu waxaa weeyaan inay muddo dheer dadku ka baqi jireen inay ka hadlaan dilka al-Shabaab u geeysato dadka bulshada [Soomaaliyeed] muhiimka u ah iyo xukunkeedii adkaa.”

Ibraahim ayaa sheegay in dilkii Godane uu dareen midnimo ah ka dhex abuuray dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka waxaa hadda u kordhay kalsooni intii hore ka badan iyo kalsooni dhexdooda ah,” ayuu yidhi.

Ciqaabta al-Shabaab u geeysan jirtay qof walba oo ka hadla xumaanta kooxda ayaa cabsida ugu badan galin jiray shacabka, ayay tidhi Caasha Xuseen, oo ah 44-jir lix carruur ah dhashay oo ku nool degmada Hodan.

“Waxa argagaxa nagu ridi jiray waa markaan maqalno al-Shabaab oo qof carrabka ka gooysay ama jirdil u geeysatay qof wax ka sheegay kooxda. Suuragal nooma ahayn inaan ku dhiirrano inaan ka hadalno tacaddiga ay ku haysay shacabka,” ayay tiri. “Laakiin hadda, Allah mahaddiis, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa inaan ka hadlo, meel walba oo aan joogo, nacaybka aan u qabo al-Shabaab.”

Cabsidii laga qabay basaasiinta al-Shabaab oo dhammaatay

Cali Maxamuud, oo ah 32-jir ku nool Muqdisho, ayaa sheegay inay odayaasha iyo dhallinyaradu baryahan si joogto ah uga hadlaan arrimaha la xidhiidha al-Shabaab oo ay si aan cabsi lahayn uga dhex hadlaan dadka aysan garaneeyn marka la isugu yimaado goobaha caamka ah sida maqaayadaha iyo biibitooyinka.

“Doodda inteeda badan waxay ku saabsan tahay dhibaatooyinkii ay al-Shabaab u geeysatay shacabka iyo sidii ay argagax ugu ridi jirtay shacabka,” ayuu yidhi Maxamuud. “Dadku waxa ay ka hadlaan sidii looga soo wici jiray lambarro qarsoon oo loogu hanjabi jiray in la dilayo ka dib marka ay wax ka sheegaan al-Shabaab. Al-Shabaab waxa ay dishay qaar ka mid ah dadkii ismoogaysiiyay hanjabaadahooda si aysan dadka kale ugu dhiirran inay wax ka sheegaan.”

Cali ayaa sheegay inay muhiim tahay in dadku ay ka wada hadlaan waxyaabihii ay kala kulmeen dhaqannadii waxshinimada ahaa ee al-Shabaab sababta oo ah waxay odayaasha siinaysaa fursad ay kula taliyaan dhallinyarada inay ka fogaadaan argagixisanimada.

Kulannadan aan qorsheeysneen ee la isugu yimaado, ayuu yidhi, waxaa naadir ah inaad ku aragto qof difaacaya fikradaha xagjirnimada ah.

“Xittaa qofka niyad ahaan la jira [al-Shabaab] waxa uu ka baqayaa inay bulshadu faquuqdo sababta oo ah dadkii waxay naceen fikirka xagjirka ah ee ay al-Shabaab aaminsan tahay,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay inay shacabku ogaanayaan in sababta ay al-Shabaab u cabsi galin jirtay oo ugu diidi jirtay kulannada noocaas ah ay ahayd in ay joojiiso wararka la isku gudbinayo oo ay shacabka ku hayso mugdi si aysan u ogaan ficillada xun ee kooxda.

Mustafa Ibraahim, oo ah 27-jir maamulka guud ka barta Jaamacadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadku ay dareemayaan kalsooni dheeraad ah oo ay xornimo ugu hadlaan ka dib markii ay xukuumaddu ku guulaysatay inay soo qabato qaar ka mid ah basaasiintii al-Shabaab ee magaalada joogay.

Ibraahim ayaa sheegay inuu hadda si xornimo ah uga hadlo al-Shabaab isagoo aan wax cabsi ah qabin, halka uu sannadihii hore aad uga walwali jiray in basaasiinta al-Shabaab ay ka ag dhow yihiin.

“Waxaan ka shakin jiray xittaa saaxiibkayga iigu dhow marka uu isku dayo inuu ka hadlo nacaybka uu u qabo al-Shabaab, waxaanan isweeydiin jiray inuu niyad ahaan taageersan yahay,” ayuu yidhi. “Hase ahaatee, waxaan hadda ogaaday in shacabka reer Muqdisho ay nacayb kayga ka daraan u qabaan al-Shabaab.”

Ibraahim ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inaysan ka baqin inay ka hadlaan ra’yiga ay ka qabaan argagixisanimada oo ay isla wadaagaan si ay dadku hal meel uga soo wada jeestaan al-Shabaab.

Isha: Sabahi Online