Dhageyso: Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir “Kenya Waan Kaga Guulaysanaynaa Arinta Badda”.

0

Muqdisho, AGGM:Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta Saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey muranka Xagga Badda ah ee Bilihii Lasoo dhaafay la hadal-hayo.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay inaysan udul qaadan doonin arinta kusaabsan in Badda Somaliya qeyb ka mid ah ay Sheegato Dawlada Kenya.

Si cad ayuu ugu laab qaboojiyey Shacabka Soomaaliyeed ee guuxa ka dhex dhalisay in laga awood weyn yahay Dawlada Federaalka Somaliya xilligaana Maxkamad in la geeyo kiiskaan aysan mudneyn isagoo ballan qaaday inay guusha dhinacooda noqon doonto.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay ka doonayaan Shacabka Soomaaliyeed sidii ay niyad ahaan uga taageeri lahaayeen Dawlada sidii Kiiskaan ugu guuleysan lahaayeen.

Waxa jirtay bilihii dambe muran dhinaca Badda ah oo soo kala dhex galay Dawladaha Kenya iyo Somaliya iyadoona Kenya ay sheegatay qeyb ka mid ah badda Somaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com